Shilin
From Wikipedia, the free encyclopedia
Shilin (Af Ingiriis : Coin) waa jaandi wareegsan kaas oo ka samaysan bir, dahab, iyo naxaas leh astaamo iyo calaamado kala duwan taas oo dadku isla garteen in wax lagu kala iibsado. Shilinka lacagtu waa shey miisaan yar oo lagu qiimeeyo qadarka alaab, badeecad, guri, dhul iyo waxyaabo kale leeyihiin.
Hadaba dunida maanta waxaa jira tiro badan oo lacag ah, wadan kasta wuxuu leeyahay lacag u gaar ah, taasi oo qiimaheedu kala sareeyo isla markaana ka sameeysan shilimaan iyo warqado. Guud ahaan lacagtu waa labo nooc: mid shilin ah iyo mid warqad ka sameeysan. Shilimaantu waa qadarka ugu qiimaha hooseeya lacagta wadan leeyahay, inta badana waxa ka soo bilaabmaan hal senti, shan senti, toban senti, konton senti iyo boqol senti. Boqolka senti wixii ka sareeya waxaa la isticmaalaa warqad taas oo ka bilaabanta kow ilaa malaayiin. Laakiin inta badan, lacagta dunida waxaa ugu sareeysa warqad shan kun ah.