Rasuul Ras'uul Nabi Nebi (ingiriis: Apostle, Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul"; Greeg: ἄγγελος, ä'n-ge-los; Hebrew: מלאך, mal·äk) waa nin karaamaysan[1] oo Ilaahay (s.w) u soo diray dad, qoom, shacab ama qoomiyad.[2] Rasuul kasta waxaa loo soo diray in uu baro, u digo, isla markaana hogaamiyo bulsho dad ah. Tirada Rasuusha ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin; sidoo kale, wakhtiyada ay soo baxeen aad ayay u kala duwan tahay.[3] Sida ay qabaan khubarada aqoonta fiican u leh diinta Islaamka isticmaalka Rasuul iyo Nebi way kala duwan tahay, inkastoo guud ahaan labada erey loo adeegsado si isku dhow amaba isku mid ah. Sida ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa jira in ka badan 110,000 oo Nabi kuwaasi oo Ilaahay u soo diray shacabyo iyo qoomiyado kala duwan oo ah dad iyo jini. Laakiin Rasuusha Alle soo diray ee ku xusan kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul[4] oo kutub leh iyo sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay.[5] Waxayna kala yihiin: Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise, Nebi Muxamed. Rasuul kale oo aynaan aqoon iyo cilmi toona u lahayn kitaabta Alle ku soo dejiyay, waxaana ka mid ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub, Nebi Yoonis.

Rasuul

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Rasuul iyo Nabi kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamed.[6] Intaasi waxaa dheer, Nebiyada iyo Rusushu waxaa Alle (s.w) u soo diri jirey qoomiyado kala duwan oo deegaano kala duwan ku nool, kuwaasi oo ku fasahaadey ama ka jeestay cibaadadii iyo diintii Alle u soo diray. Marka nebiyada iyo rusushu waxay ahaayeen kuwa dadka uga diga xumaha isla markaana fara wanaaga iyo wadada toosan.

Guud ahaan, sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[7] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Guud ahaan, sida ku xusan diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda, anbiyada waxaa ugu horeeyay isla markaana aabe u ah Nabi Aadam C.S. oo ah aabaha dhamaan dadka.[12] Nabiyada Alle (s.w) soo diray waxaa ugu dambeeyay Nebi Maxamed (c.s.w) oo ka soo baxay qabiilka qureeysh sanadkii 570kii taariikhda miilaadiga ah.[13]

Rasuul iyo Nabi

Thumb
Nebi Ibraahim (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).
Thumb
Nebi Muuse (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Markaan tixraacno sida diinta Islaamku xustey, Nebi waa qof (labka dadka) nin ah ka soo jeeda tafiirtii Nebi Aadam (lagu daro Nabi Aadam laftiisa) kaasi oo Alle (s.w) ku soo dejiyay waxyi iyo amar lagu faraayo in uu u digo, wax-baro, isla markaana hogaamiyo reer, qabiil, bulsho, qoom, dad ama shacab asago oo tixraacaya kitaab Alle ku soo dejiyay asaga ama Rasuul ka horeeyay.[14] Dhinaca kale, Ras'uul waa waa qof (labka dadka) nin ah ka soo jeeda tafiirtii Nebi Aadam kaasi oo Alle (s.w) u soo dhiibay fariin, laga yaabaa in kitaab lagu soo dejiyay ama aanan wax kitaab ah loo soo dirin, si uu hogaamiyo una fahansiiyo awooda weyn ee Alle.[15] Haddii aanu qofkaasi wadin fariin uu gaadhsiinayo dad, shacab ama bulsho ninkaasi wuxuu ahaanayaa Nebi. Sidaasi daraadeed Rasuul kasta waa Nebi, laakiin Nebi kasta ma ahan Rasuul.[16]

Waxaa jira dad badan oo Alle (s.w) soo diray kuwaasi oo ah Rasuul, Nebi ama labadaba. Tusaale ahaan, Nebi Muxamed waa Ras'uul iyo Nebi,[17] halka Nebi Yuusuf, tusaale ahaan, yahay nabi oo kali ah. Dhinaca kale, Nebi Daa'uud wuxuu ahaa nin Rasuul iyo Nebi ah oo lagu soo dejiyay kitaabka Sabuur,[18] halka wiilkiisa Nebi Suleymaan ahaa nebi oo kali ah. Inta u badan Rasuushu waxaa lagu soo dejiyay kitaab ay ku xusan tahay shariicada iyo qawaaniinta bulshada lagu maamulayo, halka Nebiyadu ay dadka barayeen kitaabta lagu soo dejiyay Rasuusha ka horeeysay.

Rasuusha Alle soo diray ee ku xusan kitaabka Quraanka Al-Furqaan ee diinta Islaamka waa shan Rasuul[19] oo kutub leh iyo sadex Rasuul oonaan aqoon u lahayn kutubta lagu soo dejiyay.[20] Waxayna kala yihiin:

1. Nebi Ibraahim oo lagu soo dejiyay Suxufta Ibraahim loona soo diray qoomkii ama shacabkii reer Ibraahim.
2. Nebi Muuse oo Alle (s.w) ku soo dejiyay kitaabka Towraad isla markaana loo soo diray qoomkii reer bani Israa'iil ee wakhtigaasi ku hoos jiray boqorkii Fircoon ee maamulayay dalka Masar iyo agagaarkeeda.
3. Nebi Daa'uud oo Ilaahay koreeyee u soo waxyooday kitaabka Sabuur si uu ugu digo isla markaan, u fahansiiyo weynida Alle, xaqa u tuso ugana reebo xumaanta, isla markaana ugu hogaamiyo wadada saxda ah ee Ilaahay faray qoomkaasi.
4. Nebi Ciise wuxuu Rabbi (subxaanahu wa tacaalaa) ku soo dejiyay kitaabka Injiil si uu u baro cabsida Alle.
5. Nebi Muxamed oo Alle (s.w) ku soo dejiyay kitaabka Quraanka ee lagu magacaabo Al-Furqaan. Nebi Muxamed waa Rasuul iyo Nebi loo soo diray dhamaan shacabka, bulshooyink, qabiilada iyo dadka ku nool caalamka, taasi oo ah mid ka duwan Nebiyadii iyo Rusuushii ka horeeysay ee Alle soo diray.
6. Rasuul kale oo aynaan aqoon iyo cilmi toona u lahayn kitaabta Alle ku soo dejiyay, waxaana ka mid ah:
  • Nebi Ismaaciil oo ah wiilka Nebi Ibraahim kaasi oo ka mid ah rasuusha Alle soo diray, in kastoo aynaan aqoon u lahayn diinta lagu soo dejiyay. Nebi Ismaaciil waa aabaha ay ka soo tafiirmeen dhamaan dadka Carabta ahi.
  • Nebi Yacquub oo asaga laftiisu ah wiilka Nebi Ibraahim kaasi oo ka mid ah rasuusha Alle soo diray, in kastoo aynaan aqoon u lahayn diinta lagu soo dejiyay. Nebi Yacquub waa aabaha ay ka soo tafiirmeen dadka Yuhuud ah.
  • Nebi Yoonis wuxuu ka mid yahay rasuusha Alle soo diray, in kastoo aynaan aqoon u lahayn diinta lagu soo dejiyay.

Jadwalka Nabiyada Ku Xusan Quraanka

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamed waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi Muxamed
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Shaxda Nabiyada iyo Kutubtooda

More information #, Magaca ...
Diiwaanka Nebiyada Ku Xusan Quraanka Kariimka ah
# Magaca Ciwaanka Kitaabka Nabi ama Rasuul Qoomka ama Shacabka
1Nabi Aadamنبي-NabiUgu horeeyay dhamaan dadka iyo Nebiyada
2Nebi Idriisنبي [21]-NabiNabigii labaad ee dhamaan anbiyada
3Nebi Nuuxنبي [22]-Rasuul (رسول)Qoomu Nuux (قوم نوح)
4Nebi Huudرسول [23]-RasuulReer Caad (عاد)
5Nebi Saalaxرسول [24]-RasuulReer Samuud (ثمود)
6Nebi IbraahimنبيSuxuf (صُحُف) [25][26]Rasuul (رسول)Reer bani Ibraahim ( قوم إبراهيم)
7Nebi Luudنبي [27]-Rasuul (رسول)Reer Luud (قوم لوط)
8Nebi Ismaaciilنبي [28]-Rasuul (رسول)-
9Nebi Isxaaqنبي [29]-Nabi iyo Imaam (إمام)-
10Nabi Yacquub C.S.نبي [29]-Nebi iyo Imaam (إمام)-
11Nebi Yuusufنبي [27]-Nebi-
12Nebi Ayuubنبي [27]-Nabi-
13Nebi Shuceybرسول[30]-RasuulReer Madyan
14Nebi Muuseنبي رسول [31]Kitaabkii Towraad (التوراة)Nabi iyo RasuulReer Fircoon (فرعون وملائيه)
15Nebi Haaruunنبي [32]-NabiTaageerayay walaalkii Nabi Muuse
16Nebi Dulkifli--Nebi-
17Nebi Daa'uudنبي [27]Kitaabkii Sabuur ( زبور)Nabi-
18Nebi Suleymaanنبي [27]-Nebi-
19Nebi Ilyaasنبي-Rasuul (رسول) iyo Nebi[33]Reer Ilyaas (قوم الياس)
20Nebi Alyasacنبي [27]-Nabi-
21Nebi Yuunusنبي [27]-Rasuul (رسول)Reer Yoonis (قوم يونس)
22Nebi Zakariyeنبي [27]-Nabi-
23Nebi Yaxyeنبي [34]-Nabi-
24Nebi Ciiseنبي [35]Kitaabkii Injiil [36]Nabi iyo Rasuul (رسول)Reer bani Israa'iil (بني إسرائيل)
25Nabi MuxamedنبيKitaabka Furqaan (قرآن)Nabi iyo Rasuul (رسول) [37]Dadka oo dhan (جميع الناس)
Close

Qoraalo La Mid Ah



Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.