Raage
From Wikipedia, the free encyclopedia
Raage sidoo kale loo yaqaano Saxal (Af Ingiriis : Saturn; Af Carabi : ar Af-oromo : Lafqubellaa) waa meeraha 6aad ee Bahda Qoraxdu Midaysay. Meerahani wuxuu ka mid yahay 4ta meere ee loo yaqaano Neefaha Waawayn. Sidoo kale, meerahani Raage wuxuu leeyahay tiro dhan 62 dayax taasi oo ka dhigaysa Raage meeraha labaad ee ugu dayaxa badan bahda qoraxdu midaysay.