Ogaadeen (loogu dhawaaqo Ogadēn; Af Ingiriis : Ogaden, Af Amxaari : ኦጋዴን) ama Huwan waa deegaan ku yaallaa dhulka Soomaali Galbeed kaasi oo ay degaan Dad Soomaali ah. Deegaanka Huwan ama Ogaadeeniya waa ilaa 200,000 square kilometres, taasi oo xad la leh Itoobiya, Djibouti, iyo Kenya.[1] Intaasi waxaa dheer, magaalooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah Jigjiga, Dhagaxbuur, Godey, Qabri Dahar, Fiiq, Shilavo, Kelafo, Wardheer iyo Danaan.[2]

Quick Facts Ogaadeen أوغادين, Gobol ...
Ogaadeen

أوغادين
Thumb
Flag
Thumb
Ogaadeen
Ogaadeen
Meesha Ogaadeeniya ka dhacdo Itoobiya
GobolOgaden
Area
327,068 km2 (126,282 sq mi)
Tirada dadka
(July 2012)
  Dhammaan5,148,989
  Cufnaanta dadka16/km2 (41/sq mi)
ISO 3166 codeET-SO
Close

Taariikh

Thumb
Maabka Itoobiya oo muujinaya gobolka Waqooyi-Galbeed.

Maamulka Gobolka

Soomaali Galbeed ama dowlad deeggaanka Soomaalida DDS. waa Ismaamul goboleed oo ku hoos jira gumeysiga XabashidaItoobiya.maamulkaan woxoo leeyahay madax iyo ciidan u gooni ah waxoon ku yaalaa Geeska Afrika.Ismaamulka Soomaali galbeed waxee daris latahay gobollada Woqooyiga,bariga, iyo Koonfurta.Koonfur galbeed neh waxaa xigo dalka kenya, galbeedka neh gobolada itoobiya.Ogadenia waxee ka midtahay dhulka Soomaaliya.Ogadenia waxee leedahay taariikh aad u dheer. gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay dhamaadkii 1890ki, waxaana la dhihi jiray ingriiska somaliland, waxoona ku daray dalka itoobiya 1897. ingriiska markale ayoo isku dayay in oo ka soo saaro ogadenia dalka itoobiya,waa markii oo ingiriiska iyo talyaaniga ee wada shaqeen ee sameeyeen, sida ee gobolada soomaalida u miday lahaayeen. Dagaalkii Labaad ee Aduunka itoobiya waxee isku dayday in ee qaadato, dhulka Eratareya iyo ogadenia. ingriiska dhul yar ayoo ka qaatay ogadenia oo ka bilaawdo, magaalada haud ilaa fransiiska somaliland oo hatta la dhoho Jabuuti. ingriiska dhulkaas ma ku darin itoobiya ilaa sanadka marka oo ahaa 1954tii. 1977 ayaa waxaa dhacday, dagaalkii xoreenta Soomaali galbeed, waa markii ee itoobiya dhibaateysay shacabka ogadenia, waagaas itoobiya waxee iskugu wici jirtay libaaxyada afrika, laakiin madaxweynihii soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dhulka soomaali galbeed ayaa aad uuga xumaaday, dhibaatada ee itoobiyaanka ku haayeen dhulkaas, waa markii oo duulaan ku qaaday itoobiya.ciidamada Soomaaliya, ayaa isku dayay, in ee itoobiya ka bixiyaan dhulka ogadenia. ciidmada soomaaliya waxee markaas gacanta ku haayeen dhulka ogadenia oo dhan, caasimada addis ababa waxyar ee u jireen. aduunka marka oo arkay, itoobiya oo dhamaaneeso ayaa waxaa garab siiyay wadamada Ruushka oo markaas ahaa Midowga Sofiyet,Kuuba iyo Koonfur Yemen. ciidamada soviet unionka ayaa askarta somalida dib u celiyay, markii ee XDS ee dareemeen in ee ku aadin ciidamada ruushka, dhaqaalihii neh oo ku yaraaday. qaar ka mid ah ciidamada xooga ayaa sii joogay dhulka soomaali galbeed, ayaga oo wadaniyad ka muuqato, waxeena la dagaalamaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa itoobiyaanka.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Wikiwand in your browser!

Seamless Wikipedia browsing. On steroids.

Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.

Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.