From Wikipedia, the free encyclopedia
Kaaribiyaan (ingiriis: Caribbean, / ɨˈbiːən/ ama / rɪbiən/ ; Isbaanish: Karibe; Dhatj: Caraïben ama Caraïben; af Hindi: कैरिबियन "Kairibiyana"; Af Faransiis : Caraïbe; Carabi: الكاريبي) waa gobol ka kooban bada Kaaribiyaanka, gasiiradaha ku wareegsan (oo qaarkood soo gaadhaan ilaa waqooyiga Badweynta Atlaantik), iyo xeebaha bilicsan ee ku caanka ah gobolkaasi. Gobolkani wuxuu dhacaa koonfurbari gacanka Mebsiko, koonfurta Maraykanka, bariga Bartamaha Ameerika iyo waqooyiga Koonfur Ameerika.
Dhul | 2,754,000 km2 (1,063,000 sq mi) |
---|---|
Baaxada dhulka | 239,681 km2 (92,541 sq mi) |
Dadka (2009) | 39,169,962[1] |
Dadka ku dhaqan | 151.5/sq km (392/ sq ml) |
Dadka loogu yimid deegaanka | Asalkooda Afrikaan, Asalkooda Cadaan, Asal Hindi, Asal Shiine,[2] Arawak (Kalinago, Taíno) |
Dadka deegaanka | Kaaribiyaan, Cali beestayn, Hindida Cas |
Luuqadaha | Isbaanish, Ingiriis, Faransiis, Dhatj, Kareole, Ingiriis Kareole, Hindi Kaaribiyaan, Luuqado kale |
Dowlad | 13 maamulo boqortooyo 17 maamulo dowlado |
Caasimadaha ugu Waaweyn | Liiska Caasimadaha ugu waaweyn Kaaribiyaanka Santo Domingo Havana Port-au-Prince Santiago de los Caballeros Kingston Santiago de Cuba San Juan, Puerto Rico |
Internet Kuwa ugu sareeya | Liiska kuwa ugu sareeya internetka |
Lambarada wicitaanka | Kuwo badan |
Wakhtiga | UTC-5 iyo UTC-4 |
Dhinaca kale, deegaanada Kaaribiyaanku waxay ka kooban yihiin in ka badan 700 gasiiradood, kuwaas oo qaarkood aad u waaweyn yihiin ayagoo ah hal wadan halka kuwo kale yaryar yihiin. Marka la tixraacayo siyaasada juquraafiga caalamka ayaa gasiiradaha Kaariibiyaanka lagu tiriyaa gobol ka mid ah Waqooyiga Ameerika; waxaana loo nidaamiyaa boqortooyooyin yaryar, deegaano ku tiirsan dowlado ka fog iyo maamulo hoose.
Bilicda gasiiradaha, cimilada diiran sanadkoo dhan, biyaha xeebaha oo aad u qurux badan darteed ayaa gobolka Kaaribiyaanku aad ugu caan baxay dalxiiska iyo booqashada tamashlaha ah.
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.