Garow (Af Ingiriis : Sorghum; Af Carabi : ar) (sidoo kale loo yaqaano Hadhuudh) waa xubin ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee dhasha midhaha firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah. Geedka garowgu wuxuu aad uga baxaa qaarada Ustareliya, qeeybo ka mid ah qaarada Afrika, wadano ka mid ah qaarada Aasiya, Ameerika iyo gasiirado ka tirsan Badweynta Hindiya iyo Badweynta Baasifik.[2][3][4][5][6][7]
- Kani waa maqaal ku saabsan garowga. Boga "Hadhuudh" halka ayaa laga soo toosiyay.
Garow | |
---|---|
Garow | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Commelinids |
Dirka: | Poales |
Bahka: | Poaceae |
Bahka hoose: | Panicoideae |
Qabiilka: | Andropogoneae |
Duulka: | Garow Moench 1794, magaco loo yaqqanay Sorgum Adanson 1763 |
Type species | |
Hadhudh (L.) Moench | |
Eray la mid ah[1] | |
|
Geedka hadhuudhka wuxuu ka baxaa caro nafaqo fiican leh, wuxuuna u baahan yahay biyo dhowr bilood ah, iyo qorax badan; taasi waa sababta wadanka Soomaaliya looga beero garowga wakhtiga gu'ga ah oo kali ah. Hal nooc oo ka mid ah garowga ayaa loo beertaa midho ahaan; halka dhamaan noocyada kale ee geedaha gorowga u baxaan si dabiici ah, sii loo daaqsiiyo xoolaha. Midhaha geedaha garowga aan helin cimilo diiran oo ku filan waxay noqdaan kuwo madoow oo yaryar; halka kan ku baxa ileyska qoraxda iyo biyaha roobku noqdo kan ugu midho badan ee fiican.[8]
Wikiwand in your browser!
Seamless Wikipedia browsing. On steroids.
Every time you click a link to Wikipedia, Wiktionary or Wikiquote in your browser's search results, it will show the modern Wikiwand interface.
Wikiwand extension is a five stars, simple, with minimum permission required to keep your browsing private, safe and transparent.