![cover image](https://wikiwandv2-19431.kxcdn.com/_next/image?url=https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Volcano.jpeg/640px-Volcano.jpeg&w=640&q=50)
Folkaano
From Wikipedia, the free encyclopedia
Folkaano ama fulkaane (Af Ingiriis : Volcano, Af Carabi : arā) waa buur dhuleed ama badeed, oo afkeedu sameeyo qarax uu ku ay ku xigto burqashada maadooyin shiilan oo sidii macdan la dhalaaliyay u shubmaysa, isla markaasna wata kulayl, qiiq, gaas, iyo qarax weyn oo ka horeeya intaas, kaasoo tuuraaya dhagaxaan iyo dhimbilo waaweyn oo holcaya.
Qaybaha folkaanaha
- Dhululbada folkaanah: waana dhinacyada hoobadka ah ee buurta folkaanaha waana daadka macdanta dhalaashay ee ka soo baxday afka folkaanaha, ka dibna noqonaysa macdan adag oo qaboobay.
- Afka folkaanaha: una samaysan sidii dublada ama weel, taasoo saas u samaysanta markii uu qarxo fulkaanuhu, afkaas waxaa ka baxa qaraxa weyn ,dhimbilaha, iyo macdanta shiilan, Afkaas ayaa gaarikara dhowr kiilo mitir iyo ka badan
- Qiijiso: waana tubada u dhexeysa kaydka macdanta dhalaashan ee dhulka ku jirta iyo afka folkaanaha,
- Caadka Gaasle: waa daruur ka samaysan gaas, dambas, iyo qiiq ka baxay folkaanah
![Thumb image](http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Volcano.jpeg/320px-Volcano.jpeg)