Naafto
From Wikipedia, the free encyclopedia
Naafto (ingiriis: Diesel) waa waa shidaal dareere ah oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah, markey qaydhiintahay leh midab huruud ilaa madoow ah, kana samaysan isku dhisyo haydarokaarboon ah, oo laga helo oogada dhulka hoosteeda.
Naaftadu wuxuu ka mid yahay saliida dabiiciga ee dhulka, waxuuna soo baxa marka la sifeeyo shidaalka.
Naaftada oo ka mid ah Shidaalka ayaa wuxuu ka samaysmay markii tiro badan oo noole dhintay ah - u badan dhir iyo algea - ku aasmeen dhagaxa sedimentary hoostiisa, halkaas oo cadaadis iyo kul badan ku helay malaayiin sano ka hor.
Marka la derso deegaanka iyo qaabdhismeedkiisa jiyooloji, ayaa shidaalka la qodaa, ka dib saliida qaydhiin la warshadeeyaa ayadoo kul badan la isticmaalayo. Waxaana soo baxa shidaalka gasoline (petrol), kerosene, Naafto, Gaaska faysnuska lagu shido, gaamur ilaa laga gaadho asphalt iyo kimikooyink kale oo laga sameeyo bacaha iyo sheyo kale.
Guud ahaan, naaftada waxaa loo isticmaalaa in la quudiyo aaladaha makaaniga ee shidaalka ku shaqeeya, sida warshadaha, gaadiidk, tareenada iwm.