Finland
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dalka Finland (Suomi, Suomen tasavalta) wuxuu ku yaalaa qaarada Yurub waxaana dhinaca dhulka daris la'ah Dawladdaha Ruushka, Iswiidhan iyo Norwey. Finland dadweynaha ku nool waa 5.1 malyan. Sanadka 1999 billowgiisii Finland waxaa si rasmi ah ugu noolaa 85 000 oo ajaanib ah. 93 % afka hooyo ee dadweynuhu waa luqadda finishka iyo 5 % oo ku hadasha afka iswiidhishka. Finland waxaa kaloo looga hadlaa luqadaha ruushka, ingiriiska, istoniyaanka, soomaaliga, jarmalka, carabiga iyo afaf kaloo badan. Finland waxaa loo qeybiyay shan gobol iyo 452 magaalo.
'Jamhuuriyada Finland Republiken Finland Suomen tasavalta |
||||||
---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
Astaanta Calanka Calanka Finland |
||||||
Caasimada | Helsinki | |||||
Luuqada(ha) Looga hadlo | Finnishka, Iswiidhan | |||||
- | [[[Madaxwayne]] | Sauli Niinistö | ||||
- | madaxwayne kuxigeen | Juha Sipilä | ||||
Ka xoroobey | Gumeystihii Iswiidhan | |||||
- | Taariikhda | 29 march, 1809 | ||||
Area | ||||||
- | Total | 338,424 km² 130,558 sq mi |
||||
- | Biyo (%) | 9.4 | ||||
Cadadka Dadka | ||||||
- | 2017 qiyaas | 5,509,717 | ||||
Lacagta | Euro | |||||
Wakhtiga | EET |
Qiyaastii 86 % dadka finishka ah waxay katirsan yihiin kaniisada luteriyaanka. Ortodhokiska ama dadka asal-raaca ah ee diinta sideytahay ugu dhagan waa in kabada boqilkiiba hal iyo intaan diinba aan heysan oo gaaraya 12,3 %.
Bedka Finland ey ku fadhiso 68 % waa hawd ama duur, 10 % biyo, 6 % waa dhul beereed. Qaar badan oo finishka kamid ah waxay sidii cadada ahaan jirtayba ka shaqeeyaan warshadaha farsameeya waxyaabaha laga sameeyo geedaha iyo birta. Weli qaarbadan oo kamid ah shaqooyinka cusub ee soobaxa waxaa laga helaa shirkadaha kashaqeeya cilmig farsamada iyo wax -soosaarka ama tig-nolooyida iyo xirfadaha kala duwan ee adeega.