Buuri
From Wikipedia, the free encyclopedia
Buuri (Af Ingiriis : Tobacco; Af Carabi : arā) waa geed ka mid ah dhirta nikootiinta leh. Sida la ogyahay, waxaa jira in ka badan 70 nooc oo buuri ah, kuwaas oo si kala duwan loo isticmaalo.
Sheyada laga sameeyo caleenta, laamaha iyo jirida buuriga qalalan aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah sigaarka, sigaarka buuran, isnayfta sanka laga qaato, buuriga afka, buuriga la ruugo, buuriga shiishada iwm.
Buuriga ugu badan ee dunida laga isticmaalo waxaa markii ugu horeeysay laga helay qaaradaha Waqooyi Ameerika iyo Koonfur Ameerika halkaas oo dadka deegaanku isticmaali jireen. Laakiin maanta buurigu wuxuu ka baxaa wadano badan oo dunida ah, sida Ruushka, Turkiga iyo Hindiya.